Kooxda Xamaas oo maanta sii deyneysa 10 Isra’iliiyiin ah oo ay ku jiraan kuwo dhintay
Feb 19(Jowhar)Xamaas iyo Israa’iil ayaa Talaadadi ku dhawaaqay in ay gaareen heshiis lagu sii deeynayo 10 ka mid ah Isra’iiliyiinta lagu hayo Gaza, kuwaas oo afar ka mid ahi ay dhinteen, balse meydkooda la siin doono Isra’il.
Soddon iyo saddex Israa’iiliyiin ah ayaa lagu waday in lagu sii daayo wejigii koowaad ee xabad joojinta halka lug ku taagan ee Gaza, kaas oo dhaqan galay bishii hore.
19 la heyste ayaa la sii daayay illaa hadda oo lagu bedeshay in ka badan 1,100 maxaabiis Falastiiniyiin ah.
Israa’iil waxay sheegtay in afar iyo toban qof oo kuwa la sii deyn doono ka haray, ay sideed ka mid ah dhinteen.
Khalil al-Hayya oo ka mid ah madaxda ugu sarreeysa guddiga Xamaas u qaabilsan wada xaajoodka, ayaa hadal laga sii daayay televishinka ku sheegay in Hamaas go’aansaday in la sii daayo Sabtida, oo bisha Febaraayo tahay 22ka, kuwaas oo qeyb ka ah inti lagu heshiiyay wajiga koowaad ee heshiiska.