Kooxda Xisbullah oo magacawday Hoggaamiye cusub
Oct 29 (Jowhar)- Kooxda ka dhisan dalka Lubnaan ee Xisbullah ayaa u magacawday Naciim Qasem inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee bedelaya Nasrallah
Golaha Sare ee Hezbollah ayaa sheegay in go’aanka loo sameeyay si waafaqsan habka ay u xulanayaan hoggaanka. Israaiil ayaa duqeyn ku dishay Xasan Nasrallah iyo saraakiil badan oo ka tirsanaa hoggaanka ururka Xisbullah.
Ina-adeerkii Nasrallah Hashem Safieddine ayaa horay loogu arki jiray inuu yahay qofka ugu cadcad inuu qabto hoggaanka Xisbullah ee xiriirka la leh Iran, balse waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Beyruut.
Qassem oo 71-jir ah waxaa inta badan loogu yeeraa Xisbullah lambarka labaad. Waxa uu ka mid yahay culimadii aasaasay ururkan horraantii 1980-aadkii, waxaana uu taariikh dheer ku leeyahay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Shiicada.
Qaasim ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha sarsare ee Xisbullaah ee weli nool, kadib markii Israa’iil ay ku dishay inta badan hoggaamiyayaashii kooxda weerarro taxane ahaa oo dhacay todobaadyadii la soo dhaafay.
Naciim Qaasim ayaa ku dhashay Beirut sanadkii 1953, waxa uuna ka soo jeedaa qoys reer Lubnaan ah oo degganaa koonfurta Lubnaan.