Kudhowaad 10 ruux oo ku geeriyootay qarax ka dhacay Iskuul Buluusiya

Oct 17 (Jowhar) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Iskool Plozia ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo uu fuligay ruux watay Jaakad ay qaraxyo ka buuxaan ayaa beegsaday maqaayad ay dad badan fadhiyeen, iyadoo dadka fadhiyay ay ku jiraan askar iyo saraakiil ciidan.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta uu qaraxa Ismiidaaminta ka dhacay waxaana ay halkaas ka bilaabeen qaadista dadka ay waxyeelada kasoo gaartay Ismiidaaminta

Goobjoogayaal ayaa ku warranay in qaraxa ay ku nad waayeen dad gaaraya 10 ruux, halka dhaawaca uu ka badan yahay intaasi.

Dadka qaraxa ku dhibtay waxaa kamid ah Gaashaanle Cabdixakiin oo ahaa madaxa amniga ee Isbitaalka Yardemeli & Abwaan Sugaal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More