Kudhowaad 10 ruux oo ku geeriyootay qarax xooggan oo ka dhacay Hiiraan

July. 10 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayqq laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax Miino oo ka dhacay deegaanka Jicibow oo qiyaastii 25km dhanka waqooyi kaga beegan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo dhacay gelinkii danbe ee shalay waxaa ku naf waayay 7 ruux oo laba qoys ahaa, dadka dhintay lix kamida waa rag, halka qofka kale ay tahay dumar.

Waqtiga uu qaraxu dhacayay, dadkaan ayaa dib ugu soo laabtay guryahoodii ka dib muddo dheer oo ay ka shaqaynayeen beerahooda.

weerarkan qaraxa loo adeegsaday ee dadka shacabka ah lala beegsaday ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Hiiraan ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Shabaab

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More