Kudhowaad 100 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Qaza

Oct 30  (Jowhar)-Ugu yaraan 93 qof ayaa ku dhintay ama la la’yahay ka dib weerar dhanka cirka ah ay ku qaadeen diyaaradaha Israa’iil deegaanka Beit Laxiya ee waqooyiga Qasa, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Gurmadka adeegga degdeg ah ayaa sheegay in dhismo shan dabaq ah la weeraray, waxaana muuqaallo baraha bulshada la soo geliyay lagu arkayay meydad daadsan dhulka oo dusha laga saaray bustayaal.

Ciidamada milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay ka war hayeen in dad rayid ah ay waxyeello xooggan ka soo gaartay weerarka.

Ciidamada Difaaca Israa’iil Israa’iil ayaa howlgallo ka waday waqooyiga Qasa labadii todobaad ee la soo dhaafay, gaar ahaan aagagga Jabaliya, Beit Laxiya, iyo Beit Hanoun.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More