Kudhowaad 20 qof oo ku geeriyootay qaraxyo ka dhacay degmada Kaxda
Sep 13 (Jowhar) Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo culus oo maqribnimadii maanta ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyada oo ilaa iyo Saddex ahaa ayaa ahaa Miino la galiyay dalcada degmada oo ah meel ay dhalinyarada ay isku sawirraan.
Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney arkeen dhimshada ilaa 15 qof iyo dhaawacyo intaas ka badan.
Waxa ay sidoo kale sheegeen iney jiraan meydad kale oo dadkooda ay hore usii qaateen.
Dadka dhintay ayaa u badan Haween goobta sawirro ku galayay, iyadoo dadka waxyeelaxa gaartay ay ku jiraan askar ku sugneyd goobta.
Khasaaraha ayaa badiyay markii qarax labaad iu dhacay xili ay dadka gurmad ahaan u buuxsameen meesha qaraxa hore uu ka dhacay.