Kudhowaad 20 Soomaali ah oo xaalad adag ku wajahaya xabsi ku yaala dalka Togo

Sep 09 (Jowhar) 16 Muwaadiniin Soomaali ah ayaa lagu soo warramayaa in xaalad adag ay ku wajahayaan xabsi ku yaala dalka Togo ee Galbeedka qaarada Afrika.

Muwaadiniintan ayaa laga qabtay xadka dalkaasi Togo uu la wadaago Burkina Faso, waxaana jirdil culus loogu geustay xabsiga, taasoo keentay in xaaladooda ay adkaato.

Wararka ayaa intaasi kusoo daraya in qaarkood uu dhaawacyo daran gaaray xubnaha ugu muhiimsan jirkooda, iyagoo aan helin wax daryeel caafimaad ah.

Qaar kamid ah dadkan waalidiintooda ayaa sheegay in muwaadiniintan oo mid kmaida ay Haweeney tahay aaney wali waxba u qaban dowladda Soomaaliya iyo Wasaarada Arrimaha dibadda ee dalka, taasoo wal wal ku abuurtay waalidiinta.

Waxa ay hadalkooda intaasi sii raaciyeen in xabsiga uu yahay mid adag oo aysan ku nafisi karin, maadaama qolalkiisa ay yar yihiin.

Halkan Hoose ka akhriso magacyadooda:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More