Kudhowaad 30 Daacish ah oo lagu dilay dagaal saaka ka dhacay buuraha Calmiskaat
Feb 11(Jowhar)Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo aroornimadii hore ee saaka ciidanka Puntland iyo Kooxda Daacish ku dhexmaray deegaano ka tirsan buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari.
Wararka ayaa tilmaamaya in kooxda Daacish ay weerar dhowr jiho ah kusoo qaadeen ciidanka Puntland, walow xogta duulaankooda ay sii ogaayeen ciidanka, taasoo keentay in khasaare culus la gaarsiiyo.
Sida saraakiisha ay xaqiijinayaa , Meydadka Daacish ayaa daadsan dusha sare buuraha Calmiskaat, in ka badan 30 argagixiso ah ayaa ilaa hadda lagu dilay howlgal xoogan oo ay aroornimadii hore ee saaka qaaden cidiamada difaaca Puntland.
Kooxda Argagixiso ee ka dagaalamaysa Buuraleyda Calmiskaat ayaa dhadhaminaya khasaaraha guuldaradda dagaalka, ciidanka ayaana u awood sheegtay, cirka iyo dhulka ayaa wadajir looga garaacayaa.