Kulan loogaga hadlayay dib u xoreynta Degmada Ceel-Baraf oo Nairobi lagu qabtay
Mar 28 (Jowhar)-Kulan loogaga hadlayay sidii dib loogaga xoreyn lahaa degmada Ceel Baraf,Biyo Cadde,Caadley iyo MiirTaqwo ee gobolka Sh/dhexe ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay kulanka ka mid ahaa Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud,oday dhaqameedyo, ganacsato, waxgarad, aqoonyahano iyo siyaasiyiin ka soo jeeda degmada Ceel Baraf ayaa loogaga hadlay sidii looga xoreyn lahaa Alshabaab degmada Ceel Baraf isla markaana wax loogu qaban lahaa dadka ka barakacay degmadaas.
Dadkii ka hadlay kulankan ayaa waxa ay sheegeen in deegaanada afarta tuulo loo yaqaan oo haatan ay ka jirto xaalad adag in loo baahan yahay in tallaabo muuqata la qaado.
“Waxaan diyaar u nahay in aan iska dulqaadno cadowga dhulkeena haysta beesha dega deegaanada hadda ay haystaan waxa ay diyaar u yihiin in ay hubkooda qaataan oo ay iska kiciyaan cadowga haysta deegaanada Agoon Yar.”ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka ka hadlay kulankan.
Ugu dambeyntii kulankan oo uu ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Garyaqaan Saalax cali maxamuud ayaa waxa uu ku dheeraaday taariiqda ay leeyihiin shacabka ku abtirsada deegaanada loo yaqaan Afarta Tuulo balse haatan labo ka mid ah ay noqdeen degmooyin.
“Dowlada ayaa garab taagan shacabka deegaanka,sidaa darted bulshada waa inay u istaagaan sidii ay u xoreyn lahaayeen dhulkooda iyagoo kaashanaya ciidamada dowlada.
ayuu yiri Garyaqaan Saalax Cali.
“Aniga diyaar ayaan u ahay in aan safka hore galo oo aan qaato qorigeyga maadaama uu dagaalku yahay Jihaad kuwa ku soo duulay dhulkeenana ay yihiin khawaarij.”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir garyaqaan Saalax Cali.
Waxa uu ugu baaqay guddoomiye Saalax siyaasiyiinta beesha in ay guntiga u xirtaan oo dadka ay is abaabulaan ayna dadaal u galaan sidii shacabkeena dhulkiisa loogaga xoreyn lahaa khawaarijta.
Guud ahaan qeybihii kala duwanaa ee ka soo qeyb galay kulankan ayaa ballanqaaday inay bilaabi doonaan abaabul xoog leh oo loogaga xoreynayo degmada Ceel Baraf iyo deegaanada kale ee ay Alshabaab dhawaan la wareegaan.