Kulankii baarlamaanka oo u furmi la’ buuq la xiriira ajendaha maanta

July. 08 (Jowhar.com)-Kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa wali u furmi la’ buuq ka dhashay ajandihii loo soo diray xubnaha golaha shacabka.

Ajendaha loo soo diray xildhibaanada ayaa ahaa wasiirka amniga in fadhiga maanta su’aalo amniga la xiriiro lagu weydiinayo.

Xogaha ayaa intaasi kusii daraya in ilaa 30 xil dhibaan oo katirsan golaha ay soo jeediyeen inay sharci daro tahay in maanta uu hor yimaado wasiirka amniga gudaha.

Dhanka kale, wali waxa gudoonka iyo xil dhibaanada ay isku mari la’ yihiin qaabka loogu codaynaayo ajandaha maanta , waxaana macquul ah inuu baaqdo kulanka maanta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More