Kuuriyada Koofureed oo xukun Milatari lagu soo rogay

Dec 03 (Jowhar)-Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol, ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay xukun militeri oo degdeg ah. Wuxuu ku eedeeyay xisbiga mucaaradka dalka ugu weyn in uu curyaamiyay dowladda ayna taageersan yihiin Kuuriyada Waqooyi.

Arrintan ayaa ah caqabadii ugu cusleyd ee soo wajahda Kuuriyada Koonfureed tan iyo 1980-meeyadii iyada oo sharci-dajiyayaashu ay ku diideen tallaabada uu qaaday madaxweynaha kadib codbixin,waxayna banaanbax ka dhigeen xildhibaanada banaanka baarlamaanka.

Ku dhawaaqida Yoon, ayaa lagu tilmaamay mid uu ku bartilmaameedsanayo mucaaradkiisa siyaasadeed, ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay afhayeenka baarlamaanka iyo xitaa hogaamiyaha xisbiga Yoon, Han Dong-hoon, kaas oo ay isku dhaceen madaxweynaha.

Sida uu dhigayo sharciga Kuuriyada Koonfureed, madaxweynaha waa inuu si degdeg ah u qaadaa sharciga dagaalka haddii baarlamaanku uu cod aqlabiyad ah ku dalbado.
Muuqaalo toos ah oo talefishinku soo duubay ayaa muujinayay ciidamo koofiyado wata oo sida muuqata loo xilsaaray inay soo hirgeliyaan xukunka milatari oo isku dayaya inay galaan dhismaha Golaha Qaranka.

Mr Yoon ma cadeyn waxa uu qorshahiisu yahay balse wuxuu ballanqaaday in uu xaaladda caadi ku soo celinayo marka uu ka takhaluso wax uu ugu yeeray xoogga ka horjeeda dalka.

Awoodda madaxweynaha ayaa aheyd mid liidata ilaa iyo markii ay dhacday doorashada guud taas oo mucaaradka ay ku guuleysteen.

Maamulka madaxweyne Biden ayaa xiriir la sameeyay dowladda Kuuriyada Koonfureed, waxay si dhow ula socdaan xaaladda sidaasina waxaa sheegay afhayeen u hadlay golaha ammaanka qaranka.

Waa markii ugu horeysay tan iyo 1980-kii in xukun Milatari looga dhawaaqo Kuuriyada Koonfureed.

Kuuriyada Koonfureed waxa ay lahayd hogaamiyeyaal kali talis ah oo taxnaa horraantii taariikhdeeda laakiin waxa loo tixgeliyey dimuqraadi ilaa 1980-meeyadii.

Ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Kurt Campbell ayaa sheegay in Maraykanku uu aad uga walaacsan yahay dhacdooyinka Kuuriyada Koonfureed, uuna rajaynayo in khilaaf kasta oo siyaasadeed lagu xaliyo si nabad ah oo waafaqsan sharciga.

Ilaa 28,500 oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan Kuuriyada Koonfureed si ay isaga ilaaliyaan Kuuriyada Waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More