Laascaanood: Somaliland oo ku dhawaaaqday xabad joojin hal dhinac ah

Feb. 11 (Jowhar.com-Xukuumada Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, kadib shir jaraa’id uu qabtay wasiirka warfaafinta Somaliland oo ay barbar taagan yihiin wasiirada arrimaha gudaha iyo gaashaandhiga.

Wasiirka ayaa sheegay iney qaateen go’aankan xabada lagu joojinayo, taasoo aaney ku xireyn wax shuruud ah, isagoo dhinaca kasoo horjeedana u diray baaq ah iney xabad joojinta la qaataan.

“Mowqifka dowladda ay ka gaadhay waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bilaa shuruud ah oo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada dagaalka waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta ayaa dhanka kale shaaciyay iney aad uga xun yihiin khasaarihii xooganaa ee ka dhashay dagaalka, wuxuuna raja wnaagsan ka muujiyay in miiska wadahadalka la isugu yimaado oo muranka taagan xal laga gaaro.

“Dhibaatada hadba meesha ay taagan tahay ayay ugu yar tahay. Maanta halka ay taagan tahay haddii aan ku af-qabano guul ayaa joogna. Wixii loo dhaafa waa khasaare ka badan kii hore, kaas oo dhankasta taabanaya.” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Si kstaba, majirto wali wax war ah oo ay talaabadan ka soo saareen Isimda magaalada Laascaanood ee hormuudka u ah dagaalka ka dhanka ah Somaliland, iyagoo hore u dalbanayay in Somaliland ilaa ay ka baxdo dhulkooda aysan wadahadal galeynin.

Xukuumada uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi oo ka adkaan weysay maleeshuyaadka deegaanka oo ay dagaalamayeen mudo shan cisho oo xiriir ah ayaa bedelay qorshohoodii dagaalka, waxaana xabad joojintan loo aaneenayaa culeysyada caalamiga iyo midka gudaha ee loogu baaqayay iney xabada joojiyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More