Lafta-gareen iyo mucaaradka oo heshiis ka gaaray murankii doorashada Koofur Galbeed
Feb. 05 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in heshiis siyaasadeed laga gaaray murankii u dhexeeyay madaxweynaha Koofur Galbeed iyo mucaaradkiisa.
Shirkii dib u heshiisiinta ee mudooyinkan ka socday xarunta gobolka Baay ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ay qodobadiisa qeyb ka yihiin in doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed la qabto bisha January ee sanadka 2024.
Sida war-murtiyeedka ku xusan, wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa loo xilsaaray inay fuliso heshiiskan, waxaana ku xusan in bisha November ay bilaabanayso xulista xildhibaanada barlamaanka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dadaal badan galiyay heshiiskan ayaa goob joog ka ahaa saxiixa, isagoo ku amaanay labada dhinac sida ay ugu danbeyn xal uga gaareen murankii taagnaa.
Waxaa Lafta-gareen Dhaqan gal u noqday halkii sano ee mudo kororsiga ahaa, mucaaradka guushooda ugu weyn ayaa ah in doorashada baarlamaanka cusub ay ka fara baxdo gacanta madaxweyne Cabdi casiis Xasan Maxamed.