Lafta-gareen oo bedelay mowqifkiisa, Baydhabana kusoo dhaweeyay Aadan Madoobe.
Dec. 14 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku so dhoweyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu Hogaaminayo.
Wafdiga gudoomiyaha golaha shacabka ayaa ka soo duulay magaalada Xudur oo uu maalmahan ku sugnaa, halkaasoo uu ka waday kulamo wadatashi ah.
Sheekh Aadan Madoobe iyo Lafta-gareen ayaa la filayaa iney yeeshaan kulan gaar ah, kaasoo ay uga hadlayaan u diyaar garowga shirka dib u heshisiinta siyaasiyiinta Koofur Galbeed oo lagu wado in maalmaha soo socda uu ka furmo magaalada Baydhabo.
Shirkaasi waxaa taageertay beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska, iyasoo la doonayo in lagu dhameeyo khilaafyada siyaasadeed ee ka dhex jira sitaasiyiinta reer Koofur Galbeed, kuwaasoo ay ku adag tahay iney tagaan Baydhabo xubnaha dowladda ku jira ee mad madowga kala dhexeeya maamulka Lafta-gareen.