Lafta-gareen oo dib ugu laabtay Baydhabo, kana hadlay xiisadda Itoobiya

Sep 09 (Jowhar)Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid tahay muranka ka dhashay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Cabdi casiis Lafta.gareen oo kahadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu xildhibaanadii dhawaan hadlay ee DFS ladareen yahay, uuna ku waafaqsan yahay hadalkii ay ka sheegeen in adagaal lasoo xawilay aysan deegaanadoodu qaadi karin.

Waxa uu tilmaamay in Halka SYL ay u joogtay Soomaaliya in ay Koonfur Galbeed ujoogaan xildhibaanadaas oo ay dadkooda la dareen yihiin.

Lafta-Gareen oo safar dibadda ah kasoo laabtay ayaa maanta dhoolatus culus kusoo bandhigay magaalada Baydhabo,halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More