Lafta-gareen oo kusoo biiray dadaalada lagu qancinayo Axmed Madoobe, si Villa Somaliya….

Oct 05 (Jowhar)Dadaal xoog leh oo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe lagu qancinayo ayaa kasocda magaalada Muqdisho, kaasoo aan loo kala kicin tan iyo xalay.

Sida macluumaadka la helayo ay tilmaamayaan,  Laftagareen & Xamse waxay goor dhaw la kulmeen Axmed Madoobe, si ay ugu qanciyaan doonista ah in uu aqbalo doorasho mideysan oo 2025-ka dhammaadkeeda ah.

Jubaland ayaa diidan oo doonaysa in doorashada dad-ban ay maamuladu qabsadaan oo aan mudo kororsi loo baahneyn.

Dhinaca Villa Somalia waxay sheegaysaa in uusan Axmed Madoobe kala hadlin arrimaha maqnaanta Puntland & SSC-KHaatumo, balse tiisan oo kaliya uu ka hadlay, hayeeshee dhanka Jubaland ayaa sheegaysa in madasha aysan kala tageynin mudo kororsi dambe.

RW Xamse ayaa 24kii saac ee na dhaafay ku guuldareystay in uu Axmed Madoobe qanciyo, hayeeshee Laftagareen ayaa kusoo biiray isna hadda, isagoo quuldareynaya joogida xukunka Baydhabo mudo kororsi Xassan Sheekh bixiyey awgeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More