Lafta-gareen oo safiirka Sweden wadahadal kula yeeshay magaalada Nairobi

Feb 19(Jowhar)Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Sweden ufadhiya Soomaaliya Joachim Waern.

Kulanka ayaa lagaga hadlayay mashaariicda dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska ee Dowlada Sweden ay ka tageerto Dowladda Koonfur Galbeed sidii loo Xoojin lahaa gaar ahaan adeegyada bulshada iyo kaabayasha dhaqaalaha.

kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Gargaarka, Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga, Agaasimaha Guud Madaxtooyada iyo La Taliye Sare Xafiiska Madaxweynaha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More