Maamulada Galmudug iyo Puntland oo go’aamo ka soo saaray dagaalada Mudug
Jan 10 (Jowhar)- Shir maalmihii la soo dhaafay magaalada Gaalkacyo uga socday mas’uuliyiin ka socota Puntland iyo Galmudug ayaa laga soo saaray go’aanno ku saabsan xallinta colaad beeleedda ka aloosan degaannada galbeedka gobolka Mudug.
Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayay ku shaaciyeen go’aanno ku saabsan xal u raadinta colaad beeleedda ka aloosan degaannada galbeedka gobolka Mudug.
Go’aannada wadajir ah oo ay soo saareen Puntland iyo Galmudug oo ka kooban saddex qodob, ayaa waxa kamid ah; in mudda 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood, Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase.
Labada dhinac ayaa sidoo kale go’aamiyay In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha Sacad iyo Leelkase, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo Odayaasha Labada dhinac.
Go’aannada ku saabsan xal u raadinta colaad beeleedda ka aloosan degaannada galbeedka gobolka Mudug ee la soo saaray waxa sidoo kale ku jirta in guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta inaan dhib danbe dhicin.
Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka laga soo saaray Kulanka;