Madaafiic lagu weeraray aagga madaxtooyada xili wadooyinka xiran yihiin
Feb. 01 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tiro hoobiyayaal ah lagu garaacay xaafado kudhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo jugta qaraxyada si weyn caasimadda looga maqlay.
Wararka ataa intaasi kusio daraya in ilaa 5 hoobiya laga maqlay gobolka Banaadir, lama ogaan wali halka ay rasmi ahaan ugu dheceen iyo khasaaraha ay sababeen.
Jugta laga maqlay caasimadda ayaa kusoo beegantay xili saaka ay xiran yihiin wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada, iyadoo meelaha qaarna ay ka xiran yihiin xitaa socodka, waxaana la is weydiinayaa sida ay kusuura gashay in hoobiyayaal lagu weeraro aaagga aqalka looga arrimiyo dalka.
Ciidamadda Haramcad iyo Kuwa Nabad Sugida ayaa howlgalo culus ka bilaabay degmooyinka Muqdisho, iyagoo baadi goob ugu jira kooxdii fulisay weerarkan madaafiicda ah oo laga soo tuuray isla gudaha magaalada.
Caasimadda ayaa maanta marti galineysa shir ay isugu imanayaan madaxda dalalka safka hore ee kala ah Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, waxaana shirkan gudoominaya madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo goob joog ka nooqnayaan wasiirada Gaashaandhigga iyo taliyayaasha ciidamadda ee afartaasi wadan.