Madasha wadatashiga qaran ee maanta furmeysa oo hareyneysa xiisada Baydhabo.
Dec. 26 (Jowhar.com)-Madaxda dowladda, kuwa dowlad goboledyada iyo gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho uga furmaya shirka wadatashiga qaran oo diirada lagu saarayo arrimaha amaanka, siyaasadda iyo abaaraha.
Sida qorshuhu yahay shirkan waxaa ka qeyb galaya madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, kuxigeenkiisa, madaxda dowlad goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Waxaa caasimadda ku sugan madaxda maamul goboleedyada Jubaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed, iyadoo madaxweyne Deni uu shirka uga qeyb gali doono aaladda fogaan araga ee Zoom-ka, sida dhowr jeer oo hore dhacday.
Sida xogaha ay muujiyanayaan, Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa looga arrinsan doonaa arrimo ay kamid yihiin, amniga, dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka iyo qeybsiga kheyraadka dalka iyo arrimaha gurmada Abaaraha ee dalka.
Dood kale ayaa hadda taagan, taas oo la xiriirta muddo kororsiga madax goboleedyada dalka oo hadda sii laba kacleysay, maadaama Baydhabo uu ka dhacay dagaal ka dhashay muddo kororsigaLafta-gareen, waxaana la filayaa in ay madaxdu ka hadlaan arrintaasi.