Madax iyo gacanyareyaal ka tirsan Al shabaab oo cunaqabatayn dhaqaale la saaray

Apr 14(Jowhar) Xubnaha Xarunta La-dagaallanka Maaliyadda Argagixisada (TFTC) ayaa si wadajir ah u cunaqabatayn u saaray 15 xubnood oo ka tirsan AS waxaana lagu eedeeyay in ay ka shaqeynayeen ururinta lacagaha, farsameynta qaraxyada (IEDs), iyo falal kale oo lagu taageerayo argagixisada.

TFTC, oo la aasaasay 2017, waxay ka kooban yihiin Mareykanka iyo dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ee Baxrayn, Kuwait, Cumaan, Qatar, Sacuudiga, iyo Imaaraadka. Ujeedkoodu waa la-dagaallanka maalgelinta argagixisada iyadoo loo marayo cunaqabateyn, wadaagista xogta, iyo tababarro kor loogu qaadayo awoodda hay’adaha.

15-ka qof ee la cunaqabateeyay waxay ka shaqeynayeen gobollada Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose, iyo Jubbada Dhexe. Waxaa lagu eedeeyay inay dadka maxalliga ah si qasab ah uga ururiyeen lacagaha, xoolaha, iyo inay gaysteen afduub iyo xukuno sharci-darro ah oo ay fuliyeen.

Ujeedada cunaqabateyntan waa in laga jaro argagixisad marinada dhaqaale ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Xubnaha beegsaday oo haaya xilal kala duwan waa:-Hasaan Abshir Xuuroow, Aadan Yusuf Saciid Ibrahim, Mumin Dheere, Macalin Burhan, Ali Ahmed Hussein, Maxamed Cali, Ahmed Kabadhe, Siyaat Ayuto, Hassan Yariisow Aadan, Siciid Abdullahi Aadan, Mohamed Abdullah Hirey, Cabdi Roobow, Shiek Aadan Abuukar Malayle, Aadan Jiss, iyo Cumar Guhaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More