Madaxa WHO Oo ka badbaday’ Israel oo Duqaysay Garoonka Diyaaradaha Yemen

Dec 27 (Jowhar)-Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa xaqiijiyay inuu bedqabayo, ka dib duqayn ay diyaaradaha Israel la beegsadeen garoonka diyaaradaha ee Sanca ee dalka Yemen, xilli uu isku diyaarinayey inuu diyaarad ka raaco.

Waxa uu sheegay in weerarku uu geystay khasaare nafeed oo soo gaaray qeybta nasashada ee garoonka, oo “dhowr mitir u jirta goobta aan joogno”.

“Laba saac ka hor, anagoo qarka u saarnay inaan ka raacno duulimaadka Sanca, garoonka diyaaradaha waxaa lagu weeraray duqeyn dhanka hawada ah,” ayuu yiri Dr. Tedros.

Waxa uu sidoo kale xusay in mid ka mid ah shaqaalihii diyaarada uu ku dhaawacmay shilkaas,halka ugu yaraan labo dhimasho ah lagu soo sheegay garoonka.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska dadkii ku dhintay weerarkan naxdinta leh,” ayuu Dr. Tedros ku sheegay hadal uu soo dhigay baraha bulshada.

Dr. Tedros waxa uu Yemen ku sugnaa isaga iyo wefti ka socday WHO, isaga oo diiradda saarayay laba hawlood oo muhiim ah: ka gorgortanka sii deynta shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku xidhan dalkaas iyo qiimaynta xaaladaha caafimaadka iyo bini’aadantinimo ee Yemen.

Hadafkeenii ahaa inaan ka wada xaajoodno sii deynta shaqaalaha UN ee ku xiran Yemen iyo qiimeynta xaalada caafimaad iyo bini’aadantinimo ee Yemen ayaa lasoo gabagabeeyey maanta. Waxaan ku adkeysaneynaa baaqeena ah in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiista.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More