Madaxda dalalka safka hore oo shir xasaasi ah maanta uga furmayo Muqdisho
Feb. 01 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gudoominaya shir ay isugu imanayaan madaxda dalalka safka hore ee ciidamadda ay ka joogaan Soomaaliya, iyadoo ay wehlinayaan wasiirkiisa Gaashaandhigga iyo taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.
Shirkan oo hal maalin ah waxaa ka qeyb galaya madaxweynaha Kenya William Ruto, ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa sidoo kale fadhiggan xaadiraya wasiirada gaashaandhigga iyo taliyayaasha ciidamadda ee saddexdaasi wadan.
Fadhiggan oo xili xaaaasi ah kusoo aaday ayaa la filayaa in lagu bogaadiyo guulaha dowladda iyo shacabkeeda ay ka gaareen shabaab oo afartii bil ee lasoo dhaafay laga saarayo magaalooyin waaweyn oo ay mudo dheer heysteen.
Waxaa sidoo kale laga doodi doonaan kaalinta ATMIS ee curibtirka Shabaab, xiliga ay bilaabaneyso ka bixitaankooda dalkan iyo qorshaha amniga guud ee dalka loogu wareejinayo ciidanka xoogga SNA.
Madaxda dalalka safka hore ayaa walaac xooggan ka qaba in firxadka Shabaab ay saameyn ku yeelato dalalka gobolka ku yaalla, waxaana la iska wareysan doonaaa sidii caqabadaasi xal loogu heli lahaa, maadaama kooxda dagaalka uga furan dalka ay ku qasbeyso iney wadankan isaga cararato.