Madaxda Soomaaliya iyo Eritrea oo ka wadahadlay xaalada Geeska Afrika
Dec 26 ( Jowhar)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa xalay fiidkii Aqalka Madaxtooyada Eritrea ku yeeshay wada-hadallo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay wasaaradda warfaafinta Eritrea.
Kulankan ayaa labada hoggaamiye waxa ay kulankooda diirada ku saareen sugida iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya iyagoo hoosta ka xariiqay inay laf-dhabar u tahay nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhacda gobolka.
Isaias Madaxweynaha Eritrea ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in laga daayo farogelinta dibadda ah gobolka,isagoo ku taliyay in gobolku uu wax ka qabto oo uu iskiis u xalliyo caqabadaha u gaarka ah.
Waxa uu sidoo kale Afwerki ku celiyay in heshiiska saddex geesoodka ah ee ay Eritrea, Soomaaliya iyo Masar ku gaareen Asmara uusan lahayn ujeedo aan ka aheyn xoojinta xiriirada iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhaxeeya; damaanad qaadka amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo horumarinta danaha gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowlada Eritrea uga mahad-celiyey ka qayb qaadashada dadaallada socda ee lagu xoojinayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adaha madaxbannaan ee xiriirka la leh, kuwaas oo muhiim u ah xasilloonida Soomaaliya iyo sidoo kale Geeska Afrika.