Madaxii Siyaasada Xamaas oo duqeyn lagu diley
Mar 23 (Jowhar)-Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Khan Younis ee koonfurta Qaza ayaa lagu dilay hoggaamiyihii ugu sarreeyay siyaasadda Xamaas Salah al-Bardaweel, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Xamaas.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Bardaawael, oo loo arko inuu yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Xamaas iyo xaaskiisa.
Maamulka caafimaadka ee dhulka falastiiniyiinta ee Xamaas maamusho ayaa sheegay in ugu yaraan 18 qof lagu dilay Khan Yuunis iyo koonfurta kale ee Rafah.
Israa’iil ayaa dib u billowday duqeymo culus oo ay ku hayso Gaza horraantii toddobaadkan – taasoo soo afjartay wejigii koowaad ee xabbad-joojin socotay ku dhawaad laba bilood.
Waxay Xamaas ku eedaysay inay diiday soo jeedinta cusub ee Maraykanka ee lagu kordhinayo xabbad joojinta.
Bayaan ay soo saartay Xamaas waxay ku sheegtay in Bardaweel, oo 66 jir ah, uu la tukanayay xaaskiisa, markii gantaal Israel uu ku dhacay teendhadooda.
Bardaweel waxa uu ahaa aabbe siddeed carruur ah leh, waxa uu ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Xamaas.
Waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga ee Khan Younis, waxaana lagu yaqaanay inuu aad ugu dhowaa hogaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar, waxaana lagu tiriyaa inuu ka mid yahay jiilkii labaad ee hogaanka Hamas, isagoo raacaya aasaasayaashii dhaqdhaqaaqa.
Waxa uu madax ka ahaa garabka siyaasadeed ee garabka baarlamaanka ee Xamaas,
Ka dib dilkii Sinwar iyo Rawhi Mushtaha intii lagu jiray dagaalka socday, Bardaweel waxaa loo tixgaliyay inuu ahaa hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee siyaasadda Xamaas. See less