Madaxweynaha cusub ee Iran oo ku dhawaaqay hadal ka careysiiyay Israel

In this picture made available by Iranian state-run TV, IRIB, reformist candidate for the presidential election Masoud Pezeshkian speaks during a debate with hard-line candidate Saeed Jalili at the TV studio in Tehran, Iran, Monday, July 1, 2024. (Morteza Fakhri Nezhad/IRIB via AP)

jul 14(Jowhar.com)-Madaxweynaha la doortay ee Iran Masoud Pezeshkian ayaa u xaqiijiyay Ismail Haniyeh, madaxa xafiiska siyaasada ee Xamaas, in “arrinta Falastiin” ay noqon doonto mudnaanta dowladiisa, sida lagu daabacay Shabakadda One TV ee ay dowladdu maamusho.

Isaga oo khadka taleefoonka kula xiriiray Haniyeh ayaa Bezeshkian waxa uu dhaleeceeyay weerarkii ay Israa’iil dhawaan ku qaaday Khan Younis ee Marinka Gaza.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Pezeshkian uu carabka ku dhufatay in qadiyada falastiiniyiintu oo ah arin muhiim u ah caalamka islaamka ay muhiimad gaar ah u leedahay dawladiisa.

Pezeshkian ayaa sidoo kale wada hadal dhanka taleefoonka ah la yeeshay Mahdi al-Mashat, madaxa golaha sare ee siyaasada xuutiyiinta Yemen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More