Madaxweynaha Eritrea Afwerki oo socdaal lama filaan ah ku gaaray dalka Kenya
Feb. 08 (Jowhar.com-Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqasho labo maalmood qaadan doonta uga bilaabatay dalka Kenya, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Kenya William Ruto.
Afwerki oo ay wehlinayaan wasiirka arrimaha dibada iyo Lataliyihiisa Amniga Qaranka Waxaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ku soo dhoweeyay Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Difaaca dalkaasi Kenya.
Labada dal ayaa ka wada hadlaya sameyanka cusub ee gobalka Geeska Afrika oo dib isku qoraya markale, waxaana Isbaheysiga Asmara-Nairobi iyo Addis Ababa uu yahay mid xoogeysanaya.
Si kastaba, Booqashadan ayaa daba socota mid uu dhowaan Asmara ku tagay Madaxweynaha Kenya William Ruto, taasoo la xiriirta xiriirka iyo iskaashiga labada dal u dhaxeeya.