Madaxweynaha Faransiiska oo booqasho ku tegey dalka Jabuuti
Dec 20 (Jowhar) Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo booqasho rasmi ah caawa uga bilaabatay dalka Jabuuti isagoo gaaray caasimadda jamhuuriyadda Jabuuti.
Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Emmanuel Macron iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah ku joogi doona Jabuuti labo cisho, waxana madaxda wadankaasi uu kala hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan iyo labada shacab sida lagu qoray barta Facebook ee madaxweyne Geelle.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in saldhigga milatari ee Jabuuti uu qaadan karo door weyn, isagoo hadlayay ka dib markii Paris lagu qasbay inay ciidamadeeda kala baxdo dalal kale oo Afrikaan ah.
“Doorkeena Afrika wuu isbedelayaa, sababtoo ah dunidu way isbedelaysaa Afrika, ra’yiga dadweynaha ayaa isbeddelaya, dawladuhu way isbedelayaan,” ayuu yiri.
Macron waxa uu la hadlayay ciidamada Faransiiska ee fadhigoodu yahay dalka Jabuuti oo ay ku sugan yihiin illaa 1500 oo askari.
Taas ayaa ka dhigaysa ciidamada ugu badan ee France ka jooga dibadda iyo ciidamada kaliya ee aan la taaban karin ee millatariga dalalka Afrikaanka ah ay ku soo rogeen Paris.
Bishii Luulyo, Jabuuti iyo Faransiiska waxay cusbooneysiiyeen heshiiskooda iskaashiga difaaca.
Berito ayaa lagu wadaa in ay dhacaan kulamo dheeraada, waxana aakhirka la filayaa in labada madaxweyne ay qabtaan shir jaraa’id oo ay ku faahfaahinayaan waxyaabaha laga wadahadlay.
Faransiiska ayaa taageero ka raadinaya wadamada geeska afrika kadib markii uu xumaaday xiriirka uu lalahaa dallalkii uu horey u gumeysan jiray ee ku yaala galbeedka qaarada afrika.