Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Afmadow

Jul 26 (Jowhar.com)- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminaayey ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Wafdigaasu waxaa bartamaha degmadasi ku soo dhoweeyay maamulka degmadaasi iyo boqolaal shacab ah oo kamid ah dadka ku dhaqan halkaas.

Safarka Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminaayo ayaa la xiriira sidii loo dardargalin lahaa howlgalada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland, kuwaas oo guulo wax ku ool ah dhowaan ka soo hooyey dagaalada ka dhanka ah khawaarijta rr dhacay maalmahii lasoo dhaafay.

Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Xooga dalka waxay dhawaan isku fureen wadada isku xirta Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More