Madaxweynaha Kenya oo soo jeediyay in la bur buriyo dadka dhaqaalaha ku taageera Shabaab

Feb. 02 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa ka hadlay caqabadaha loo baahan yahay in meesha laga saaro si loo ciribtiro kooxda Al-Shabaab oo dhibaato ku heysa dalalka gobolka.

Mr. Ruto oo ka qeyb galay shirka madaxda dalalka safka hore oo looga hadlay dadaallada ciribtirka argagixisada Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho ayaa soo jeediyay in la baabi’iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Shabaab, si kooxda u tabar beesho.

“Waa inaan burburinaa shabakadaha argagixisada iyo kaabayaasha taageerada dhaqaale; tani waa in lagu dhamaystiraa ka hortagga xagjirnimada iyo faafinta xagjirnimada,” ayuu yiri.

Madaxweyne Ruto ayaa dhinaca kale fariin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday iney dowladda ku taageeraan dagaalka lagu qaaday Shabaab, kaasoo hadafkiisa ugu weyn yahay in amni lagu soo dabaalo dalkan.

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud is bedelka istaraatiijiyadeed iyo guusha hadda ka muuqata qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa kusii daray Ruto.

Si kastaba, madaxda dalalka Soomaalya, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa shalay heshiis iskaashi oo ka dhan ah Shabaab ku saxiixday magaalada Muqdisho, waxaana qodobada lagu heshiiyay qeyb ka ah in wadajir loogu duulo argagixisada, lana dhiso ciidanka xoogga dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More