Madaxweynaha Masar oo ku wajahan Asmara iyo Isbaheysi cusub oo abuurmaya

Oct 10 (Jowhar)-Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al Sisi ayaa maanta ku wajahan magaalada Asmara ee dalka Eritrea, kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki.

Sida uu shaaciyay Afhayeenka Madaxweynaha Masar, booqashada Al Sisi uu dhiggiisa Eritrea kala hadli doono xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan xaaladaha gobolka iyo dadaalada lagu xoojinayo xasilloonida iyo amniga Geeska Afrila iyo Badda Cas.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shalay gaaray magaalada Asmara, waxaana la fillayaa inuu Asmara ka dhaco shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan Madaxda Eritrea, Masar iyo Soomaaliya oo lagu sameyn doono Isbaheysi Iskaashi saddexdda dal ka dhaxeyn doona.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More