Madaxweynaha Masar oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Asmara

Oct 10 (Jowhar)Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al Sisi ayaa goordhow ka degay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaaliya ayaa shir saddex geesood ah uga furmaya Asmara, kaasoo looga hadlayo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Shirkan ayaa ku soo aaday, iyadoo uu sii xoogeysaneyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena uu xumaaday xiriirka Itoobiya iyo Eritrea.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More