Madaxweynaha Puntlamd oo James Swan kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Daacish ee gobolka Bari
Mar 16 (Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Puntland Said Abdullahi Deni ayaa maanta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Boosaaso waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.
Qaramada Midoobey ayaa boggaadisay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo dadaalka ay Puntland ku bixisay hawlgalka qorsheysan ee Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad.
Waxaa kale oo Kulanka looga hadlay Amniga Guud, Mashaariicda horumarin iyo bani’aadantinimo ee Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.