Madaxweynaha Puntland oo la kulmay taliyaha howlgalada gaarka Mareykanka ee Bariga Afrika
Apr 06 (Jowhar) Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid magaaladda Boosaaso.
Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud, gaar ahaan Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Dowladda Maraykanka taageerada xagga cirka ah ee ay siiyeen hawlgalka argagixisada Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari.
Maraykanku wuxuu boggaadiyay hawlgalka Puntland ku ciribtirayso argagixisada iyo guulaha waaweyn ee ay gaareen Ciidamada Dowladda Puntland, waxaana Kulanka looga hadlay sidii loo sii xoojinlaha wadashaqeynta labada dhinac.