Madaxweynaha Somaliland oo safarkiisii u horeeyay ugu ambabaxay dalka Imaaraatka Carabta
Jan 26 (Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay ee dalka Dibeddiisa ugu amba-baxay dalka Imaaraadka Carabta.
Garoonka diyaaradaga magaalada Hargeysa waxaa madaxweynaha kasii sagootiyay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Somaliland.
Sida wararka la helayo ay tilmaamayaan, madaxweyne Cirro ayaa halkaasi kula kulmi doona masuuliyiinta dalkaasi.
Imaaraatka Carabta ayaa kamid ah wadamada Carabta ee daneeya Somaliland, iyagoo la isla soo qaadi doono sidii loosii xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.