Madaxweynaha Suuriya oo soo dhisay dowlad cusub oo ku meel gaar ah
Mar 31(Jowhar)-Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa ayaa ku dhawaaqay in la dhisayo dowlad ku meel gaar ah, isagoo magacaabay 23 wasiir oo ka tirsan golaha wasiirrada cusub ee la ballaariyay, taasoo muujineysa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday soo afjaridda tobanaan sano oo xukunka qoyska Asad iyo xiriir wanaagsan oo lala yeesho reer galbeedka.
Maamulka cusub ee Islaamiyiinta Sunniga ah ee dhawaan laga dhisay dalka Siiriya ayaa wajahaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya wadamada reer galbeedka iyo Carabta si ay u abuuraan dowlad matasha qowmiyadaha iyo diinta kala duwan ee dalkaasi.
Cadaadiskan ayaa sii kordhay ka dib markii dhawaan lagu dilay boqolaal rayid ah oo reer Calawiyiin ah kooxda laga tirada badan yahay ee uu ka soo jeedo hoggaamiyaha la afgambiyey Bashaar al-Assad iyada oo ay jiraan rabshado ka dhacay xeebaha galbeed ee Suuriya bishan.
Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka mid ah Yarub Badar oo Calaw ah loo magacaabay Wasiirka Gaadiidka iyo Amgad Badar oo ka soo jeeda Beesha Druze oo madax ka ah Wasaaradda Beeraha.
Mohammed Yosr Bernieh ayaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda.
Murhaf Abu Qasra iyo Asaad al-Shibani ayaa sii xajistay xilalkii ay hayeen oo ahaa wasiirka gaashaandhiga iyo wasiirka arrimaha dibadda, si ay u kala horreeyaan, golaha wasiiradii hore ee ku meel gaadhka ahaa ee maamulayay Suuriya ka dib markii Mr. Assad xukunka laga tuuray bishii December, sababo la xidhiidha duullaanka degdega ah ee fallaagada.
Mr. Sharaa ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la sameeyay labo wasaaradood oo kala ah: mid Isboortiga iyo midda xaaladaha degdegga ah, iyadoo Raed al-Saleh, oo ah madaxa hay’adda samatabbixinta ee loo yaqaan Koofiyadaha Cad, loo magacaabay Wasiirka Gurmadka.
Bishii Janaayo, Mr. Sharaa waxaa loo magacaabay madaxweyne ku meel gaar ah, waxaana ka go’an in la dhiso dowlad ku meel gaar ah oo loo dhan yahay, taasoo ujeeddadeedu tahay dib u dhiska hay’adaha dawliga ah ee Suuriya ee burburay iyo in ay maamulaan dalka ilaa laga gaarayo doorasho, taasoo uu sheegay inay qaadan karto ilaa shan sano in la abaabulo.
Dawladdu ma soo magacaabi doonto ra’iisul wasaare, iyadoo Mr. Sharaa la filayo inuu si toos ah u kormeero laanta fulinta.
Bayaanka ayaa ilaalinaya doorka dhexe ee shareecada Islaamka iyadoo sidoo kale la ilaalinayo xuquuqda haweenka iyo xoriyatul qawlka.