Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in markan ay iyaga duulaan ku yihiin dalka Ruushka
Jun. 11 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa u muuqda inuu xaqiijiyay in dalkiisa uu bilaabay weerar ka dhan ah Ruushka ee mudada dheer la sugayay.”Weerar ka-hortag ah iyo tallaabooyin difaac ayaa dhacaya,” ayuu yiri.
Laakiin waxa uu intaa ku daray in aanu si faahfaahsan uga hadli doonin heerka uu marayo weerarka rogaal celiska ah.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa ka dib markii ay sii kordheen dagaalka koonfurta iyo bariga Ukraine.
Ciidamada Ukraine ayaa lagu soo waramayaa in ay u soo dhaqaaqeen dhanka bari ee u dhow Bakhmut iyo koonfurta meel u dhow Zaporizhzhia, waxaana la sheegay in ay weerarro loo adeegsanayo gantaalada riddo dheer ku qaadeen bartilmaameedyada Ruushka