Madaxweynaha Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha

Sep 03 (Jowhar) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha waxa uu dalkaasi kaga qeyb galayaa Shir madaxeedka Qarada Afrika iyo Shiinaha.

Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac, ayaa lagu gorfeyn-doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shirat gaar gaar ah la yeelan doona madaxda dalalka Afrika ee shirka ka qeybgaleysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More