Madaxweyne Biden oo khudbadiisii u danbeysay u jeediyay Qaramada Midoobe

Sep 25 (Jowhar)-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa khudbadisii ugu danbeeyay Talaadadi shalay ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo hogaamiyayaasha caalamka u sheegay, in in dagaalka Ruushka ee Ukraine uu fashilmay, isla markaana ay weli suurtogal tahay in xal diblamaasiyadeed laga gaaro colaadda Israel iyo Xisbullah ee Lubnaan.

Biden oo ay wax ka yar afar bil uga hartay muddo xileedkiisa xafiiska Aqalka Cad, ayaa kasoo hor muuqday masraxa Golaha Guud, iyada oo ay dagaallo ka socdaan Ukraine, Marinka Gaza, Sudan iyo xadka Lubnan iyo Isra’il.

Wuxuu sheegay in dagaal buuxa oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah aysan cidna dani ugu jirin, xitta haddii ay xaaladdu sii xumaado ayuu yiri. isaga oo intaasi raaciyay in wali uu xal diblamaasiyeed suuragal yahay.

Madaxweyne Biden ayaa 193-ka xubnood ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay hortooda ka diray baaq ku aadan soo afjaridda dagaalka Gaza iyo sii deynta la heystayaasha reer Isra’il.

Mar uu ka hadlay dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayuu Biden sheegay, in dagaalka uu madaxweyne Putin soo abaabulay ee uu ku qaaday Ukraine uu fashilmay. Isaga oo yiri, “ Wuxuu u soo kacay in uu burburriyo Ukraine, laakin Ukraine wali waa xor.”

Wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalka Sudan, isaga oo erayo adag kula hadlay dhinacyada ku dagaallamaya Sudan oo uu ku yiri “Joojiya dagaalkan hadda.”

Madaxweyne Biden ayaa bishi July ee sannadkaan ku dhawaaqay in uusan mar kale isu soo sharrixi doonin doorashada madaxtinimada Mareykanka, taas oo ka dhigtay madaxweyne hal xilli u shaqeeyay shacabka Mareykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More