Madaxweyne Biden oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Amb. Daahir Carab

Sep 20 (Jowhar) Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Mareykanka Amb. Daahir Xasan Carab.

Danjire Carab ayaa sheegay, in madaxweyne Biden uu kala hadlay xiriirka labada dal, islamarkaana uu uga mahad-celiyay dowladda Mareykanka taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka, xuquuqul insaanka iyo bani’aadannimada iyo dhinacyada kale ee horumarinta.

Waxa uu sidoo kale warbixin kasiiyay xaaladda Soomaaliya iyo dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Amb. Daahir Carab oo madax ka ahaa Jaamacadda SIMAD ayaa dhawaan xilkan loo magacaabay,iyadoo ugu dabeyn uu gudoomay warqadaha safiirnimo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More