Madaxweyne Cali Guudlaawe oo gaaray degmada Moqokori
Jul 26(Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Moqokori ee Gobalka Hiiraan.
Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Guudlaawe oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku marayay qaar ka mid ah degmoyinka gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa ka mid ah Madaxweyne ku-xigeenka
Dowladda Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Xubno oo ka kala tirsan Golaha Wasiirrada, Barlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Qalab-ka Sida.
Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Guddoomiyaha Degmada Moqokori iyo shacabka degmada ayaa soo dhaweyn heer sare ah u sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle.
“Sida aad la socotaan waxaan degmo ka dhignay Moqokori kaddib markaan xorreynay. Waad dhabar adeegteen maanta waxaa la joogaa waqtigii aad guran-laheydeen miraha Dowladnimada.”ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe oo la hadlayay shacabkii soo dhoweeyay,
Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo degmada Moqokori waxa uu xariga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo ay ka hirgelisay Dowladda Hirshabeelle waxana sidoo kale lagu wadaa inuu dhagax dhigo mashaariic kale.
Madaxweyne Cali Guudlaawe oo toddobaadkan kormeer ku marayay degmooyin ka tirsan Hirshabelle ayaa xariga ka jaray mashaariic la hirgeliyay halka uu dhagax dhigey mashaariic kale.
Degmooyinka mashaariicda laga hirgeliyay qaar kalana laga dhagax dhigey ayaa waxaa kamid ah degmada Raagge Ceelle,Cadale,Cali Gaduud,Al Kowsar iyo Aadan Yabaal.