Madaxweyne Cirro oo si kulul uga hadlay safarkii ra’iisul wasaare Xamze ee Laascaanood

Apr 20(Jowhar)Madaxweynaha Somaliland Cabdi Raxmaan Cirro oo khudbad u jeediyay golaha baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda guud ee maamulkiisa.

Cirro waxa uu soo hadal qaaday safarkii taariikhiga ahaa ee ra’iisul wasaare Xamze uu dhawaan ku tagay magaalada Laascaanood halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Inuu ahaa safarkaasi duulaan qaawan oo sababai karaa dilaacista dagaal sokeeye ayuu ku sifeeyay madaxweynaha Somaliland.

“Safarkii Raysal wasaaraha DFS ee Sool wuxuu ahaa duulaan qaawan, wuxuuna sababi karaa dagaallo sokeeyo oo degdeg ah, kama tanaasulayno is-raacsanaanta dhuleed ee Somaliland.” Ayuu hadalkiisa ku yiri.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More