Madaxweyne Deni oo booqday askarta kusoo dhaawacantay dagaalka Daacish

Feb 06(Jowhar)Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo booqday dhammaan Isbitaalada Boosaaso ee ay yaalan ciidanka kusoo dhaawacmay dagaalka lagu ciribtiriyo kooxda Argagixiso, ayaa mid mid ugu tagay, isagoo amray in Askari kasta oo dhaawaciisa dalka waxba looga qaban waayo in si deg deg ah daaweyn caafimaad loogu dirayo.

Deni ayaa Ka tacsiyeey Askartii kudhimatay dagaaladii, oo uu sheegay in dhiigoodu uu daahiriyey dhulkii ay dhibaatada iyo gaboodfalada ku geysan jireen kooxda Argagixiso ee Daacish oo laga qabtay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Taako kamid ah Puntland aysan argagixiso joogi doonin la ciribtiriyo, wuxuuna ku baaqay Isku duubnaan looga hortagayo Argagixisada soo duushay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More