Madaxweyne Deni oo Boosaaso ka bilaabaya abaabulka duulaan ka dhan ah Shabaab iyo Daacish

Oct 01 (Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, oo ay horay ugu sugnaayeen guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee barlamaanka iyo xubno katirsan golayaasha kala duwan ee maamulkiisa.

Saraakiil Madaxtooyada Puntland katirsan ayaa Warbaahinta gudaha u xaqiijiyey in Madaxweynuhu Boosaaso ka hagi doono duulaan ka dhan ah kooxaha nabad  diidka ah ee ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad ee gobolada Bari iyo Sanaag.

Madaxweyne Deni ayaa dhowaan sheegay in Puntland ay soo afmeeri doonto kooxahaasi oo uu sheegay inay kujiraan ajaaniib ku soo duuley waxyeelada ammaanka Puntland iyo suurad xumaynta horumarka Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More