Madaxweyne Deni oo dowladda federaalka ku dhaliilay dagaalka Laascaanood
Apr. 28 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaabka ay u wajahday colaadda ka oogan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay dadka reer SSC ay kala safatay Somaliland, isagoo si cad u sheegay in Somaliland ay tahay gardaro garab og, sida uu yiri.
“Somaliland xoog kuma xukumayso SSC, waqtiga yaan layska lumin- wali si ehelnimo baan idiinla hadlaynaa- Dawladda Faderaalka masuuliyadii ka saarnayd Laascaanood wey gabtay- gardarro garab ayay kusiinaysaa Somaliland” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo xalay ka hadlayay Garoowe.
Waxa uu sidoo kale weeraray ergeyga madaxweyne Xasan uu u magacaabay wadahadalada Somaliland ee C/kariin Xuseen Guulees.
“Dowladda Federaalka wey gabtay Laascaanood ma ahayn xilli Ergey la magacaabo, SSC maaha Somaliland, waxa aan ammanayaa Raxma-yar, Fahiima Quuje…Dadku waa Soomaali se ninkii edeb daran waa in layska celiyo.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay
Deni ayaa dhinaca kale meesha ka saaray in Somaliland ay si awood leh ku xukunto SSC, maadaama dadka deegaanadaas ay iska diideen nidaamka wax maamul ee madaxweyne Muuae Biixi Cabdi, waxa uu xoojiyay in la taageero rabitaanka shacabkaasi.
Si kastaba, Laascaanood ayaa waxaa tan iyo bishii February ka dhacayey dagaallo soo noqnoqday oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka, dad kudhow 500 qof ayaa geeriyootay, halka inkabadan kun kalena ay dhaawacmeen, shalay oo u dambeysau madaafiic ayey isweydaarsadeen labada garab ee diriraya.