Madaxweyne Deni oo war ka soo saaray xoreynta degmada Xarardheere
Jan. 17 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa maanta ka hadlay talaabadii Shabaab looga saaray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Deni oo shir jaraa’id u qabtay suxufiyiinta ayaa soo dhaweeyay qabashada Xarardheere, wuxuuna madaxda Galmudug ku amaanay doorka ay ka ciyaarayaan sidii deegaanadooda Shabaab looga saari lahaa.
Siciid C/llaahi Deni ayaa dhinaca kale soo jeediyay in dagaal looga bilaabo Shabaab deegaanada kale ee dalka ay uga sugan yihiin, isagoo shacabka ugu baaqay in loo midoobi ciribtirka kooxda.
Si kastaba, degmada Xarardheere oo ku taala Koofurta gobolka Mudug ayaa Shalay laga qabsaday kooxda Al-Shabaab, waxeyna u eheyd degmo istiraatiiji ah oo ay maamulayeen mudo kabadan 10 sano.
Howlgalada Shabaab looga saarayo Gobolka Mudug waxaa qeyb ka ah ciidamadda PSF ee maamulka Puntland, iyadoo labadan maamul ay Waqooyi iyo Koofur ka kala arrimiyaan gobolka.