Madaxweyne Erdogan oo kasoo horjeestay qorshaha Mareykanka ee magaalada Gaza
Feb 05 (Jowhar)Madaxweynaha dalka Turkey-ga ayaa ka soo horjeestay qorshaha Donald Trump ee ah in shacabka ku nool magaaladda Gaza ay iskaga ka baxaan.
Haddalkan madaxweynaha Turkryga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku soo beegmaya xili Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, uu sheegay inuu doonayo in Maraykanku la wareego marinka Gaza ka dib marka Falastiiniyiinta laga saaro ee loo raro dalalka deriska la ah ee Masar iyo Urdun.
Trump ayaa sheegay in Gaza la horumarin doono si ay “dadka caalamka” ugu noolaadaan.Trump ayaa qorshahan la wadaagay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, intii ay ku guda jireen shir jaraa’id oo ka dhacay Aqalka Cad ee maraykan habeennimadii Xalay.