Madaxweyne Joe Biden oo Booqasho Kedis ah ku tegey Ukraine

Feb. 20 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa booqasho aan la shaacin ku tegey dalka Ukraine isagoo ku wareegay bartamaha Kyiv, waxaana uu ballan qaaday inuu garab istaagi doono Ukraine.

Booqashadan ayaa lagu soo beegay ka hor sannad-guuradii ka soo wareegtay duulaankii Ruushka.
“Markii (Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin) uu bilaabay duulaankiisa ku dhawaad ​​hal sano ka hor, wuxuu u maleeyay in Ukraine ay daciif tahay, reer Galbeedkana ay kala qaybsan yihiin, wuxuu mooday inuu naga badin karo. Laakin wuu qaldamay” ayuu yiri Biden.

Tan iyo markaas, duullaanka Ruushka waxaa ku dhintey tobanaan kun oo rayid ah oo reer Ukraine ah iyo askar labada dhinac ah, magaalooyinku waxay noqdeen burbur iyadoo uu dagaalku sababay malaayiin qaxooti ah.
Ruushka ayaa ku andacoonaya in uu la wareegay ku dhawaad ​​shan meelood meel ka mid ah Ukraine, halka reer galbeedkuna ay ku yabooheen tobanaan balaayiin doolar oo gargaar militari ah Kyiv.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa ballan qaaday hub kale oo qiimihiisu dhan yahay 500 oo milyan oo dollar, oo ay ku jiraan rasaasta madaafiicda, hababka ka hortagga hubka iyo raadaarka difaaca hawada, iyo weliba cunaqabatayn adag oo la saarayo Ruushka.

“Booqashadan madaxweynaha Mareykanka ee Ukraine, oo ah tii ugu horreysay muddo 15 sano ah, waa booqashadii ugu muhiimsaneyd ee dhammaan taariikhda Ukraine iyo xiriirka Mareykanka,” ayuu yiri Zelenskiy.
Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa soo dhoweeyey booqashada hoggaamiyaha Mareykanka ee Kyiv, oo uu ugu yeeray inay astaan u tahay sii socoshada taageerada Mareykanka sanad kadib duulaankii Ruushka.

“Joseph Biden kusoo dhowow Kyiv. Booqashadaada waxay astaan aad muhiim u ah ugu tahay taageerada dhammaan shacabka Ukraine,” ayuu yiri madaxweyne Zelensky.

Ujeedada booqashada Biden ee Kyiv, oo timid kahor safar la qorsheeyey inuu ku tago caasimadda Poland ee Warsaw, ayaa ah inuu hoosta ka xariiqo in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu garab taagnaado Ukraine “muddada ay doonto ha ku qaadato” in la iska caabiyo ciidamada Ruushka.

Waxay imaneysaa xilli codbixino ra’yiga ah oo la qaaday ay muujinayaan in aragtida shacabka ee ku aadan in Mareykanka iyo xulufadiisa ay hub iyo taageero dhaqaale siiyaan Ukraine ay hoos u dhacday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More