Madaxweyne kuxigeenka Jubaland oo la kulmay taliyaha guud ee ciidamadda Itoobiya

Dec 14  ( Jowhar) Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulka  Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Adis Ababa ee dalka itoobiya ayaa kulan la qaatay  Taliyaha guud ee ciidamada Ethiopia Field Marshal Birhanu Jula.

kulanka ayaana looga hadlay xaaladda Amniga, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka kooxaha Khawaarijta ee kusugan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Jubaland iyo isu socodka bulshada Kunool xuduudaha iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshada labada Dal.

Kulankaan waxaa Madaxweyne ku xigeenka koowaad Ku wehliyay Wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlad Jubaland, Mudane Axmed Baraaki (Zubeyr) iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Jubaland Mudane Mascuud Cabdulaahi Axmed.

Kulanka ayaa soo aaday kadib dagaalkii kharaaraa ee maalin kahor ka dhacay degmada Raaskambooni oo ku dhexmaray ciidamadda dowladda iyo kuwa maamulka Jubaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More