Madaxweyne kuxigeenka Jubaland oo maanta ku wajahan gobolka Gedo

July. 17 (Jowhar.com)-Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Seyd Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabo lagu soo dhaweynayo.

Wafdigan oo ka baxaya magaalada Kismaayo ayaa sida qorshahay waxa ay halkaasi u tagayaan sidii wadahadalo ay ula yeelan lahaayeen maamulka degmada iyo odayaasha deegaanka.

Wadahadalan ayaa intooda badan diirada lagu saarayaa sidii loola shaqeyn lahaa maamulka cusub ee gobolkaasi Gedo dhawaan loo magacaabay iyo sidii Jubaland ay dib gacantooda ugali leheyd maamulka gobolkaasi oo ka maqnaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Amaanka guud ee degmada Luuq ayaa saaka si weyn loo adkeeyay, iyadoo shacab badan ay buux dhaafiyeen garoonka degmada oo ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweynta.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Maxamuud Seyd Aadan madaxweyne kuxigeenka Jubaland uu usii gudbi doono degmooyinka gobolkaasi oo ay ugu horeyso degmada Baardheere.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More